WARARKA SOOMAALI

AS oo Weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaaday Degmada Ceeldheer

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar qaraxyo ku bilowday oo arroornimadii hore ee saaka oo sabti ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Weerarka qaraxyada ayaa waxaa ay Shabaabka la beegsadeen saldhig ciidanka xoogga iyo kuwa macwiisleyda ay ku leeyihiin gudaha degmada Ceeldheer, waxaana weerarka kadib durbadii bilowday dagaal toos ah oo dhexmaray Shabaabka iyo ciidamada.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerarka iyo dagaalka oo kala gaaray labada dhinac, saraakiil iyo Askar ayaa lasoo werinayaa inay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay, inkastoo aan khasaaraha rasmiga aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Kooxda Al Shabaab ayaa war ay soo saareen ku sheegay in weerar cagmarin ah sakay ku qaadeen degmada Ceeldheer, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarka ku dileen askar badan sidoo kale ku qabsadeen hub iyo saanad.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda wali ka hadlin weerarkan xooggan ee saakay lagu qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, lamana oga ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee weerarka ka dhashay .

AS oo Weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaaday Degmada Ceeldheer
To Top