WARARKA SOOMAALI

AMISOM oo Maxkamadeyneyo Askar ka tirsan Ciidankooda oo dad shacab ah laayay

Taliska Ciidanka AMISOM ayaa sheegay in Guddi xaqiiqo raadin ah oo ay u saareen dilka dadka rayidka ah oo dhacay 10-kii Bishii Agoosto ee sanadkaan lagu ogaaday in todobo qof oo Shacab ah la dilay deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu shaaciyay War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska AMISOM.

AMISOM ayaa sheegtay in maalintii falka ku dileen dadka shacabka ahaa uu dhacay ay isla halkaas dagaal kula galeen xubno ka tirsan Al-shabaab, isla markaana dagaalkaas uu Ciidanka AMISOM uga dhintay hal Askari, halka mid kalena uu dhaawacmay.

Sidoo kale Taliska Ciidanka AMISOM ayaa si Cad u sheegay inay qaadanayaan Mas’uuliyada dadkii lagu laayay degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayna Maxkamad horgeyn doonaan Ciidankii geystay falkii foosha xumaa ee dadka lagu dilay.

“AMISOM waxay la xisaabtami doontaa askarta ku lugta leh falkan, si loo hubiyo in caddaaladda loo adeego sida uu ku taliyay guddiga baaritaanka,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska AMISOM.

Intaas waxaa ay kusii dareen AMISOM in Maxkamadeyta Ciidamada xasuuqa geystay ay ka dhici doonto gudaha Soomaaliya, isla markaana lala xisaabtami doonto askarta ku lugta leh falkaas ka dhacay Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

10-kii Bishii Agoosto ee sanadkaan 2021 ayey aheyd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Uganda ay todobo qof oo Shacab ku dileen degaanka ee SH/Hoose, waxaana Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeeday falkaas.

AMISOM oo Maxkamadeyneyo Askar ka tirsan Ciidankooda oo dad shacab ah laayay
To Top