WARARKA SOOMAALI

Amiirka Qatar oo maanta ku wajahan Masar iyo xogta safarkiisa oo la helay

Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Hamad Al-Thani ayaa waxaa uu Maanta booqan doonaa Caasimadda dalka Masar ee Qaahira, isagoo berrito la kulmi doona Madaxweyne C/Fataax Elsisi.

Waa Booqashadii u horeysay ee uu Amiirka Qatar ku tago Masar tan iyo wixii ka dambeeyey sanadkii 2015-kii.

Socdaalka Amiirka Qatar ayaa waxay ku soo beegantay maalmo kadib, markii uu Dhaxal-sugaha Sacuudiga,  Amiir Maxamed Bin Salmaan bioqday Qaahira, laguna shaaciyey Heshiiska Masar iyo Sacuudiga ee Maalgashiga Mashaariic Horumarineed oo ay ku kacayso dhaqaale dhan 7.7 Billion oo Dollar.

Tan iyo sanadkii 2017-kii, Dowladaha Masar, Sacuudiga , Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa waxay dalka Qatar saareen Cunaqabatayn, iyagoo ku eedeeyey inay Dowladda Qatar taageerto Kooxaha loogu yeertay Argagixisada, inkastoo ay Qatar beenisay eedeymahaasi.

Amiirka Qatar oo maanta ku wajahan Masar iyo xogta safarkiisa oo la helay
To Top