WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab  oo weeraray Guri uu degan yahay Maareeye Garoon Diyaaradeed

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Magaaladaas uu ka dhacay weerarloo adeegsaday Bam nooca gacanta laga tuuro oo lagu qaaday Guri uu degan yahay mas’uul.

Weerarkaan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa lagu qaaday Guriga uu Magaalada Baardheere ka degan  yahay Mareeyaha Garoonka diyaaradaha Baardheere Jaamac Cali Cabdi, waxaana mar qura la maqlay jugta Bambada oo xigtay rasaas badan.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay inay weerareen guriga Maareeye Jaamac Cali, isla markaana waxaa falka kadib goobta ka baxsaday Shabaabkii weerarka fuliyay, iyadoona intaas kadib Ciidanka ilaalada Maareeyaha ay fureen rasaas xoogan.

Ma jiro wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkii Bambaano ee xalay ka dhacay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Maamulka degmada.

Mareeyaha Garoonka diyaaradaha Baardheere Jaamac Cali Cabdi ayaa dhowr jeer oo horey ka badbaaday weeraro lagu qaaday oo lagu dili rabay, mana jiro weli wax war oo kasoo baxay Maareeyaha kuna aadan weerarkaas lagu qaaday hoygiisa uu degan yahay.

Al-shabaab  oo weeraray Guri uu degan yahay Maareeye Garoon Diyaaradeed
To Top