WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo qoorta ka jaray ruux sadex maalin gudahood..

Muqdisho (HM)-Ururka Al-Shabaab ayaa xukun toogasho ah ku filiyay illaa 14 ruux saddexdii maalmood ee la soo dhaafay deegaano ka tirsan Jubbaland iyo Shabelaha Hoose

Fagaare ku yaal degmada Kurtun Waareey ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa shalay gelinkii dambe lagu toogtay saddex ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen ciidamada dowlada federalka.

Saddexdan ruux ee lagu toogtay Kurtunwaarey ayaa kala ahaa Amiin Tifoow oo 23 sana jir ah,Muxiidiin Max’med Cabdi Raxiin oo 36 sana jir ah iyo Cabdi Wahaab Axmed Xasan oo 30 sano jir ah .

Sidoo kale waxa shalay ururka Al-Shabaab ay dil toogasho ah ku fuliyeen Cali Xasaneey Axmed kadib markii lagu eedeeyay inuu ahaa sixiroole degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.

Maalmihii Arbacada iyo Khamiista ayaa deegaanada Xagar iyo Salagle oo ka kala tirsan Jubbooyinka waxaa lagu dilay 10 Nin oo ku eedaysnaa in ay ahaayeen basaasiin.

SOMALI NEWS

To Top