Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta degaanka Dhag haye oo Degmada Bacadweyne dhanka Waqooyi uga beegan 10 Km, ka dib markii ay ka Baxeen Ciidamada Dowladda Federaalka.
Qoraal lagu faafiyay baraha taageerab Shabaabka ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanada ay isaga baxeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ee ku sugnaa, isla markaana dhowr daqiiqo kadib ay qabsadeen.
Xariiro kala duwan oo aan la sameynay Ciidamada Dowladda iyo masuuliyiinta Galmudug ee ku sugan degmada Wisil ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan sheegashada Al-shabaab ee degaanka Dhag-haye.
RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka qeybta 21-aad ee xoogga dalka iyo Maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan la-wareegida Shabaabka ee Dhag haye ee Gobolka Mudug.