Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay xeebta deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag kala soo degay hub farabadan, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno Gobolkaas dhinaca xiga dowlad Goboleedka Puntland.
Hubka oo ah nooca fudud ee gacanta lagu qaato ayaa Al-shabaab waxaa ay kala soo degeen xeebta deegaanka Durdur ee hoostega degmada Laasqoray, waxaana halkaas hubka kasoo qaaday xubno ka tirsan oo tegay xeebta.
Dad dusha kore ka arkayay hubka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in hubkaas lagu keenay doon loo ekeysiiyey kuwa kalluumeysiga, taasi oo ka timid dalka Yemen kuna soo xiratay xeebta Durdur.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Al-shabaab hubkii u soo degay ay la aadeen buuraleyda Caalamow ee Gobolka Sanaag, halkaas oo la tilmaamay inay Saldhiyo iyo Xarumo ku leeyihiin Shabaab.
Dhinaca kale ma jiro weli wa hadal ah oo ka soo baxay dowlad Goboleedka Puntland oo ku aadan hubkaasi la sheegay in kooxda Al-shabaab ay kala soo degtay Sanaag.
Muddooyinkii u dambeeyey dagaalyahanada Al-shabaab ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday dhulka buuraleyda ee Puntland, waxaana xusid mudan in dagaalo xoogan oo geystay khasaaro ay dhexmareen Al-shabaab iyo Ciidanka maamulka Puntland.