WARARKA SOOMAALI

Al-Shabaab oo duleedka Kismaayo ka geysatay Weerar Ciidamo lagu dilay

Dagaal u dhexeeyay ciidanka daraawiishta Maamulka Jubbaland iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxa uu saacadihii lasoo dhaafay deegaanka Baarsanguuni oo dhaca duleedka magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalkan uu bilowday, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen fariisimo ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni, khasaaro dhimasho ayaa laga soo weriyay inuu dagaalkaasi ka dhashay.

Al-Shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegteen inay dagaalkii ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee Jubbada Hoose ku dileen 5 Askari oo ka tirsan ciidamada Maamulka, ayna ka furteen 5 qoray oo AK47 iyo hal qorey oo PKM ah.

Saraakiisha ciidamada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaan weli ka hadlin dagaalkii iyo weerarka dhacay, Si kastaba Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxa ay weeraro khasaaro dhaliyay ku qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Al-Shabaab oo duleedka Kismaayo ka geysatay Weerar Ciidamo lagu dilay
To Top