Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa Maanta oo Arbaco ah ka dhacday doorashada Senatorada Puntland ku metalaya Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Doorashada kuraasta 11-ka xubnood Aqalka Sare ee Puntland ayaa waxaa ku tartamay 22 Musharax, waxaana kusoo baxay oo 11 Senator oo ay doorteen Xildhibaanada Puntland, iyadoona inta badan xubnaha la tartamayey Musharaxiinta ay tanaasuleen.
Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole
Maxamed Cali Yuusuf Gagaab
Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino)
Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde)
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Maamulka Puntland ayaa noqonaya maamulkii saddexaad ee qabta doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana horey u qabtay maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.