WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Sacuudiga oo war cusub ka soo saaray halka Meydkii Wariye Jamaal Khashogi ku dambeeyay-Warbixin

Riyadh (HM) –Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga, Caadil Al-jubeyr ayaa Wareysi uu  siiyey  Barnaamijka “face the Nation” ee Telefishinka CBS ee dalka Maraykanka wuxuu kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan dilkii Wariye Jamaal Khashoggi oo ilaa hadda aan meydkiisa la helin.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Debadda Sacuudiga ayaa sheegay inaysan dowladiisa aqoon meesha la geeyey maydka Khashoggi.

Wariyahaan ayaa waxaa dilay, jarjaray kadibna maydkiisa ku shubay Aashito bishii October 2-dii ee sannadkii hore qaar ka tirsan sirdoonka dalka Sacuudiga kadib markii uu galay Safaaradda ay ku leedahay Magaalada Istanbul.

Wuxuu si cad u sheegay in Meydkiisa ay qaadeen xubnihii dilka geystay, wuxuuna falkaas ku tilmaamay inuu ahaa fal ka baxsan Awooda 11-kii qof ee dilkaasi fulisay

Su’aashii ugu adkeyd ee la waydiiyey Caadil ayaa aheyd halka uu ku dambeeyey meydka Jamaal Khashoggi, waxa uu Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga ku jawaabay  “Ma Aqaan”.

Wuxuu sheegay inay dowladda Turkiga waydiiyeen caddeymo dheeri ah si eedeysanayaasha maxkamad loo soo taago balse wuxuu nasiib darro ku tilmaamay inaysan weli jawaab ka helin.

Caadil ayaa ugu dambeyntii sheegay inay gacanta ku hayaan xubno badan oo dilkaas ka dambeeyey isla markaasna ay waydiinayaan halka ay geeyeen meydka Jamal uuna rajeenayo in la helo xaqiiq rasmi ah.

Wuxuu intaas kusii daray in baaritaanka socdo laga heli doono xog dheeri ah iyo halka uu ku dambeeyo meydka Jamal.

Caadil ayaa  wax aan jirin ku tilmaamay inuu Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan ka mas’uul yahay amarka lagu dilay Saxafigii Jamaal Khashoggi.

SOMALI NEWS

To Top