WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Saaxiibada Ra’iisul Wasaaraha Ingriiska oo loo diiday inay tagto Mareykanka kadib markay booqatay Soomaliland..

Laascaanood (HM)-Carrie Symonds, saaxiibadda Boris Johnson, ra’iisul wasaaraha Ingiriiska , ayaa waxaa loo diiday in ay gasho Mareykanka, waa sida warbixintu u qoran tahaye!!.

Sidda uu daabacay wargeyska afka dheer ee reer Britain Daily Mail, 31-sano jirtan ayaa waxay dalbatay in ay u socdaasho dalkaasi, maalmo kahor.

Safarkeeda oo qayb ka ahaa hay’add ka shaqeysa degaanka oo fahigeedu yahay Mareykanka ayaa waxaa ka xayiray mas’uuliyiinta Washington.

Haweenaydan oo la shaqeynaysay hay’adda aan dowliga ahayn ee Oceana ayaa waxay lahayd kulamo dhowr ah oo ku aadan ilaalinta badaha.

Majaladda ayaa rumeysan in sababta xanibaada loo saarey ay tahay safar shan maalin qaatay oo ay sanadkii hore, 2018, ku tegtay Soomaaliya.

Intii ay ku jirtay dalxiiska oo ay ku wehlisay gabar kale ayaa waxa ay socdaal ku booqatay waqoyga dalka Geeska Afrika dhaca gaar ahaan Somaliland.

Xubno uu kamid yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu waramayaa in ay is-arkeen, wallow aanan la ogayn waxay kawada xaajoodeen.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka uu Mareykanka saarey xayiraadda dhanka socdaalka, kuwaasi oo ay kamid yihiin; Ciraaq, Suuriya, Liibiya, Suudaan iyo Yemen.

Saaxiibadda wasiirka koowaad ee Boqortooyadda UK wali kama aysan hadlin dhacdadan, balse waa ay diiday dalab ku aadan in ay sheekadan ka faalooto.

 

SOMALI NEWS

To Top