WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Abiy Ahmed oo damcay in ay Farmaajo Hargeysa wada tagaan iyo Muuse Biixi oo diiday-Warbixin

Hargeysa(HM)-Warbahinta Soomaliland ayaa qoraysa in Ra,iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed uu Muuse Biixiga Soomaliland maalintii Arbacada ku wargaliyey in uu imaan doono Hargaysa isaga oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abdilaahi Farmaajo, arrintaas ayaa waxaa ka biyo diiday isla markaana aan ogalaan Muuse Biixi siday ay qorayso qaar kamid ah warbaahinta Soomaliland gaar ahaan Wargeyska la dhaho Geeska Africa oo isagu sheegaya in uu helay xigta arrintaas ku saabsan Wargeyska oo qoraal uu ku daabacay Boggiisa hore Saaka wuxuu yidhi,,Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Raysalwasaaraha Itoobiya uu baajiyay socdaal la filayay inuu Arbacadii la soo dhaafay ku iman lahaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo lagu xaqiijiyay imaanshaha Hargeysa ee Raysalwasaaraha Itoobiya, haddana wararka uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Raysalwasaare Abiy Axmed uu habeenimadii Arbacadu soo galaysay xidhiidh Telefoon la soo sameeyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu ku wargeliyay inuu Arbacada imanayo magaalada Hargeysa.

Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inay samaysay diyaar garowgii ugu heer sareeyay, waxaana la xoojiyay oo ciidamo dheeraad ah la geeyay madaarka Cigaal. Madaxweyne Biixi ayaa kulan wada tashi ah ugu yeedhay madaxda xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani.

Hase yeeshee Raysalwasaare Abiy ayaa subaxnimadii Arbacadii wuxuu madaxtooyada Somaliland ku soo wargeliyay inuu weheliyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ay markaas ku wada sugnaayeen magaalada Nayrobi oo uu Abiy ku dhexdhexaadiyay Soomaaliya iyo Kenya. Balse Madaxweyne Biixi ayaa Raysalwasaare Abiy Axmed ku wargeliyay inaanay suurtogal ahayn in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu yimaado dalka Somaliland, isaga oo weli ku doodaya inay Somaliland ka mid tahay Soomaaliya, waxaanu Madaxweyne Biixi Raysalwasaaraha Itoobiya uu ku wargeliyay in  isaga [Dr. Abiy] lagu soo dhawaynayo caasimadda Somaliland ee Hargeysa, laakiin aanay suurtogal ahayn inuu Hargeysa yimaado Madaxweyne Farmaajo, oo weli ku doodaya inay Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

Raysalwasaarha Itoobiya ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Biixi ka aqbalay inuu baajiyo socdaalkaas uu doonayay inuu Mr. Farmaajo ku keeno Hargeysa, waxaana la sheegay inuu Dr. Abiy balan qaaday inuu socdaal gaar ah ku iman doono Somaliland, laakiin lama sheegin wakhtiga uu iman doono.

Haddii uu Raysalwasaare Abiy isagoo keli ah socdaal ku iman lahaa Somaliland wuxuu noqon lahaa hoggaamiyihii u horeeyay ee soo booqda Somaliland, haddii uu Farmaajo wehelin lahaana wuxuu noqon lahaa Madaxweynihii u horeeyay ee Soomaaliya ee Somaliland booqasho ku yimaada intii ay xorriyadeeda kala soo noqotay Soomaaliya sanadkii 1991.

Sidaas darted, dad badan ayaa go’aanka uu Madaxweyne Biixi qaatay ee uu Abiy Axmed kaga diiday inuu Hargeysa keeno Madaxweyne Farmaajo u arka inuu ahaa go’aan adag oo geesinimo leh,,.

Lama oga xaqiiqada warkan iyo sida wax uga jiraan Madaama Wargeyska warkan qoray uu yahay mid u xagliya dhanka Xukuumadda uu Hoggaamiyo Muuse Biixi , hase yeeshee warkaas ayaa dhanka kale wuxuu noqon karaa mid aad u ah suuragal in Abiy uu isku daygaa sameeyay,warka ayaa kusoo beegmaya iyada oo Farmaajo iyo Abiy inta ay Addis iska soo raaceen isaga oo Farmaajo lagu wado Diyaaradda khaaska ah ee Ra,iisul Wasaaraha itoobiya ay gaadheen Kenya halkaas oo uu Abiy ku wada hadalsiiyey labada Hoggamiye.

SOMALI NEWS

To Top