Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin;
1-Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye
2-Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen
3-Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin
4-Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin
5-Xasan Xuseen Xaaji, Xubin
6-Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin
7-Durraan Axmed Faarax, Xubin
8-Cumar Cali Rooble, Xubin
9-Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin
10-Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin
11-Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan in ay si degdeg ah u guda galaan aaska Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.