WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Heshiis laga gaaray Khilaafkii Doorashada Madaxweynaha K/Galbeed

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay Shirkii dib u heshiisiinta deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed oo maalmihi lasoo dhaafay socday, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Madaxda iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa ku heshiiyay in la aqbalo muddada halka sano ah ee lagu kordhiyey muddo xileedka Mdaxweynaha Maamulkaas,  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Doorashada Guddoonka golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorashada Madaxweynaha Maamulka ayaa la go’aamiyey in la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo 2024. Hoos ka aqriso heshiiska oo dhameystiran.

Sidoo kale War-murtiyeedka laga soo saaray Shirka ayaa waxaa lagu sheegay in Odayaasha dhaqanka beelaha deegaanada Maamulka xubnaha Golaha Wakiilada cusub soo xulaan inta u dhexeeysa bisha November 2023 ilaa bisha December 2023.

Shirkii dib u heshiisiinta deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Madaxda Maamulka, Xildhibaano, Musharaxiinta Mucaaradka Lafta-gareen iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO: Heshiis laga gaaray Khilaafkii Doorashada Madaxweynaha K/Galbeed
To Top