WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Baarlamaanka Ingiriiska oo ka hadlay joojinta Dagaalka Tukaraq iyo Wasiir sheegay in uu la hadlay Farmaajo iyo Muuse Biixi-Warbixin

Laascaanood (Horufadhi News)-Baarlamaanka Ingiriiska ayaa Isniintii toddobaadkan lagaga hadlay dagaalka u dhexeeya Maamuladda Puntland iyo Somaliland ee ka soconaya Gobalka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq.

Xildhibaan Stephen Doughty oo kamid ah Baarlamaanka Dalka Ingriiska  ayaa weydiiyay wasiirru Dawlaha Arrimaha dibadda Harriett Baldwin doorka ay Dawladda Ingiriisku ka qaadanayso joojinta dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, ayaa waxay wasiiradu sheegtay in safiirka Ingiriiska ee Muqdisho joogaa uu wada hadalo la yeeshay madaxweynayaasha Soomaaliya, Somaliland iyo  Puntland, isagoo kala hadlay sidii loo joojin lahaa dagaalka loona gaadhi lahaa xabad joojin waarta.

WasiirHarreiet, waxay ku jawaabtay “Safiirkeena Soomaaliya ayaa la hadlay dawladaha Somaliya, Somaliland iyo Puntland si uu hoosta uga xariiqo ahmiyda ay leedahay xabad joojin deg deg oo dagaalka ah. Rabshado ayaa dhacaya, iyadoo ay marka horeba adkayd xaaladda bini-aadminimo ayay isku dhacyaduna ugu sii biireen dadka deegaanadaas. Isagoo la hadlaya madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Puntland, wuxuu safiirkeenu u cadeeyay in horumarka dhaqaalaha, iyo keenista adeeg wanaagsan iyo jawaab wax ku ool  ah oo laga bixiyo culaysyada deegaanka gobalku ay ku xidhantahay sii wadista xabad joojin dagaalka ah oo ugu dambayn horseeda  heshiis keena nabad waarta.

Ingiriisku wuxuu sii wadayaa inuu dhiirigeliyo wada hadal joogto ah oo midho dhala waxaanu taageerayaa sidii arrintan loo gaadhi lahaa,,.

 

SOMALI NEWS

To Top