WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Al-shabaab iyo Qatar oo ka wada shaqeeyay Qarax lagu beegsaday imaaraadka-Warbixin

Laascaanood (HM) –Ganacsade xiriir la leh amiirka Qatar ayaa safiirka Qatar ee Soomaaliya u sheegay in weerar ka dhan ah Imaaraadka Carabta bishii May laga fuliyey magaalada Boosaaso, ayada oo loogu daneynayo Qatar, waxaa sidaas weriyey wargeyska New York Times.

Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.”

Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.”

“ha cayriyaan Imaaraadka, sidaas darteed ma cusbooneysiin doonaan qanadaraaska [DP World ee dekedda Boosaaso], waxaana qandaraaska keeni doonaa halkan Doxa” ayuu yiri Al-Muhanadi.

Safiirka ayaa kadib u sheegay ganacsade Al-Muhanadi in weerarada loo fuliyey si Imaaraadka loogu qabso inay ka cararaan Soomaaliya.”

“Saaxiibadeena ayaa ka dambeeyey weerarkii ugu dambeeyey” ayuu ku jawaabay Al-Muhanadi.

Mar ay New York Times wax ka weydiisay codka la helay, Al-Muhanadi iyo dowladda Qatar midna ma beenin sax ahaanshaha wada-hadalka taleefon, oo ay si sir ah u duubeen sirdoonka dowlad kale.

Inta uu socday wada-hadalka, ganacsadaha reer Qatar ayaa safiirka u sheegay inuu xiriir la leeyahay xubnaha ka tirsan qoyska madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ka caawin doona in heshiiska dekekdda Boosaaso laga soo wareejiyo shikadda DP World ee Imaaraadka laguna beddelo shirkad Qatari ah.

Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Hassan bin Hamza Hashem oo ay xiriir la sameysay New York Times ayaa beeniyey inuu ganarayo Al-Muhanadi, wuxuuna damiyey taleefonka.

“Waxaan ahay nin howl gab iyo ganacsade ah…mana ma talo dowlad” ayaa laga soo xigtay Al-Muhanadi.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale sheegtay inaysan faro-gelin arrimaha dalalka madax banaan, islamarkaana cid kasta oo sidaas sameysay aysan ka wakiil ka ahayn dowladda.

Madaxweynaha maamulka  Puntland Siciid Cabudllaahi deni ayaa sheegay inuu Ku kalsoonyahay Warbixin uu baahiyay Wargeyska The New York Times,  taas oo Ganacsade u dhashay dalka Qatar oo saaxib dhow la ah Amiirka Qadar la dhagaystay taleefan uu kula hadlay safiirka Qatar ee Soomaaliya, isagoo u sheegaya weerar qarax ah oo ka dhacay Boosaaso ay ka dambeeyeen maleeshiyaad fulinaya danaha Qatar ee ah in Imaaraadka uu ka cararo magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay maanta Garoowe ayaa Labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ka dalbaday iney baaritaan dhab ah ku sameeyeen Qoraal uu daabacay wargeyska, isagoo intaas raaciyay iney tani abuurtay tuhun ay horay u qabeen dad badan oo ah in meelo ka baxsan Dalka laga soo abaabulo falal lid ku ah xasiloonida Puntland iyo somaliyaba.

Madaxwaynaha Puntland ayaa markii la doortay Wuxuu Booqday dalka Imaaraadka, Isagoo horay kasii Ambaqaaday Heshiisyadii C.wali gaas uu la galay, waxaana Arintan kusoo aadaysaa iyadoo Dawladda Qadar ay beenisay Jiritaanka Warkaasi iyo inay lug ku yeesheen Arimo Xasilooni daro oo ka dhacay Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay imaaraadka inu Faragelin ku hayo Soomaaliya

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top