Dhuusamareeb (HM) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxii Xukuumadda Galmudug Galmudug ayaa mar kale soo saaray qoraal ku saabsan xaaladda Galmudug.
Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ugu horeyn Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay Galmudug ku abuureyso Al-Shabaab iyo Daacish midaasna aysan iyaga aqbali doonin.
Sidoo kale Sheekh Shaakir ayaa Shacabka Galmudug ugu baaqay inaysan aqbalin in Al-Shabaab iyo Daacish lagu abuuro deegaanadooda si wadajir ahna ay ugu midoobaan arrintaas.
Dhanka kale, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay Ahlusunna Waljameeca qeyb ka ahayn waxa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka waddo degaanada maamul goboleedka Galmudug.
Ad by Valueimpression
Wuxuu tilmaamay in uusan jirin heshiis ay la galeen Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ee hoggaamiyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor.
Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka Sheekh Shaakir oo dhameystiran