WARARKA SOOMAALI

Aadan Madoobe iyo James Swan oo ka shiray Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Ku-simaha Madaweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Adan Maxamed Nuur Madobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amb. James Swan iyo Madaxa UNDP ee Soomaaliya Jocelyn Mason.

Kulanka dhexmaray Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Wakiil James Swan ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay abaartu wax-yeeleysay.

Sidoo kale inta uu socday ayaa waxaa looga arrinsaday sidii loo dardar gelin lahaa taageerada Qaramada Midoobay Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn waxaa uu boggaadiyey dedaalada ay dalka ka wadaan wakiiladda beesha caalamka waxaana uu ahmiyad gaar ah siiyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo garab istaagi lahaa Ciidanka Xooga Dalka iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Aadan Madoobe iyo James Swan oo ka shiray Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
To Top