WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Farmaajo oo War kasoo saaray Suldaan ku geeriyooday Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed uu ka mid ahaa tiirarka hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ee doorka muuqda kasoo qaatay nabadda, xasilloonida, dib-u-heshiisiinta iyo adkeynta wadajirka shacabka, gaar ahaan bulshada ku dhaqan gobollada Waqooyi ee dalka.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waa geeri murugo leh, Suldaanku waxa uu ka mid ahaa hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey nabadda, dib-u-heshiisiinta, midnimada iyo horumarka Ummadda Soomaaliyeed.”

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

SOMALI NEWS

To Top