WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-MW Farmaajo oo Guddi Qaran u saaray baarista kiiska Ikraan Tahliil

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daah furan lagu sameeyo Kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax ayaa u magacaabay Guddi Qaran oo ay hoggaaminayaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Magacaabidan ayaa ku soo aaday, iyadoo Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ay qabatay gal dacwadeed ka dhan ah madaxda Hey’adda NISA.

Dadka falanqeeya siyaasada Somalia ayaa sheegaya in tallaabadan loo arki karo in Madaxweynaha labo ujeeddo ka leeyahay, kuwaasoo kala ah inuu kiiska kala wareego Ra’iisul Wasaaraha iyo tan kale oo ah inuu isaga meyro eeddaha maalmahan loo jeedinayay ee ahaa inuu hortaagan yahay cadaalad u raadinta Kiiska Ikraan Tahliil.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Arritan ayaa ku soo aadeysa xili uu weli taagan yahay khilaafkii u dhexeeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil iyo xilka ka qaadista taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

SOMALI NEWS

To Top