WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Mucaaradka oo si kulul uga hadlay Wareegtadii uu soo saaray Farmaajo

Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa si kulul waxaa ay uga hadleen Magacaabistii Taliyaha Kumeel gaarka ah ee NISA & la-taliyaha Amniga Qaranka ee uu Farmaajo u Magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo dhawaan Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka qaaday xilkii Agaasimaha Hay’adda NISA.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu cambaareeyay tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga sheegay in ay tahay mid baal marsan sharciga, sidoo kalena lagu carqaladeeynayo howlaha doorashooyinka.

Waxaa ay sheegeen in Goluhu ay u arkaan tallaabada uu qaaday Farmaajo mid lagu carqaladeeynayo dadaalada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusen Rooble, ee ku aaddan in baaritaan daah furan iyo Caddaalad la marsiiyo kiiska Ikraan Tahlil, sidoo kalena lagu xagal daacinayo doorashooyin daahfuran waqtigoodana ku dhaca.

Qoraalada kasoo kala baxay labada Xafiis ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay u muuqdaan kuwa sii xoojinaya khilaafka xilligaan u dhaxeeya Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top