Maamul Goboleedka Puntland ayaa War kasoo saartay tallaabadii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilka uga qaaday Agaasimihii Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu boggaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS ee doorkiisa hoggaamineed ee dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.
Puntland ayaa sidoo kale soo dhaweysay dadaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah.
“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Puntland.
Ugu dambeyn Puntland ayaa ugu baaqday dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah.
Si kastaba Madaxweynaha Dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kasoo horjeestay Go’aanka RW Rooble uu xilka uga qaaday Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha NISA, wuxuuna Farmaajo faray Fahad inuu sii wato shaqadiisa.