WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Urrurada Bulshada Rayidka oo si adeg uga yimid Habraacii Doorashada…

Urrurada Bulshada rayidka Somaaliyeed ayaa walaac xoogan waxaa ay ka muujiyeen habraacii doorashada Golaha Shacabka oo maalin ka hor ay soo saareen Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Urrurada Bulshada rayidka Somaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay inay kasoo horjeedaan habraaca Golaha Shacabka ee la soo saaray, isla markaana ay weli muuqato inay jiraan ku xadgudubka xuquuqda Muwaadiniinta uu u leeyahay ka qeyb galka doorashooyinka & kuw tagrifal awoodeed oo ay doorashooyinka ku maamulayaan Golaha wadatashiga qaran.

Sidoo kale Urrurada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxaa ay sheegeen inay weli muuqato in aan laga gudbin is aamin daradii ka dhalatey khilaafkii siyaasaded ee dib u dhaca ku sameeyey doorashooyinka dalka ayna muuqato in madaxda Golaha Wadatashiga Qaran xal u heli karin haddii aysan geedi socodka doorashooyinka ka dhigin mid daah furan.

Urrurada Bulshada rayidka ayaa sidoo kale sheegay in ay in badan ka digeen in daahfur la’aanta doorashooyinka ay sabab u noqon karto in dalka aysan ka dhicin doorashooyin lagu kalasoonaan karo, sidaas daraadeed aan la aqbali karin habraacan cusub oo u muuqda dhaqan gelintiisa mid sababi kara iska hor imaadyo hubeysan oo dhex mara siyaasiyiinta oo adeegsanaayo beelaha ay ka soo jeedaan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top