WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-DFS oo ka hadashay la wareegista Taalibaan ee Afganistaan

Wasiiro Dowlaha Wasaarada waxbarashada Xukuumadda  Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed (Jaabiri) ayaa sheegay in 20 sano oo waqti iyo qarash badan lagu bixiyay dalka Afganistaan uu gacanta u galay Kooxda Taaliibaan.

Waxaa uu sheegay in wixii ka dhacay dalka Afganistaan iyo  joogitaanka Ciidan Ajnabi laga barto in aysan waxba soo kordhineyn, balse ay muhiim tahay in Shacabka Soomaaliueed ay dowladooda garab istaagaan.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay tahay arrin tusaalo lagu soo qaadan karo wixii ka dhacay Afganistaan in dalkeena ku imaan karto hadii aan laga fikirin oo aan baaritaan lagu sameyn Ciidamada ay dowladda heeysato.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Hadalkan kasoo yeeray Wasiiro Dowlaha Wasaarada waxbarashada Xukuumadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed (Jaabiri) ayaa kusoo aadaya xilli aad loo hadal haayay waxa dhici kara hadii Ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top