Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Mamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo la heshiiyay dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay warar saacadihii la soo dhaafay Baraha Bulshada lagu faafinayay ee ahaa inay is khilaafeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo & Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.
Janan oo ka hadlay munaasabad uu kusoo bandhigayay in uu yahay musharax Xildhibaan ayaa sheegay in wararka lagu faafiyay Baraha Bulshada ee ahaa in uu baxsad ka yahay dowladda aysan waxba kajirin, isla markaana uusan diyaar u aheyn Colaad.
Waxaa uu sheegay in uusan aheyn qof doonaya in uu noqdo mucaarad oo dagaalama, balse sidii shalay dadkiisa uu ugu naxay uguna diday in lagu dul dagaalamo uu weli go’aankaas ku taagan ahay, isla markaana xilligaan dalka uusan u bahneyn dagaal iyo Colaad.
Waxaa uu ku amaanay ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble sida uu u wajahayo xaalada dalka, waxaana uu ku baaqay in lagala Shaqeeyo wadida howlaha doorashooyinka.