Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdigii uu hogaaminayay ee safarka shaqo ku jooga Dalka Kenya ayaa gaaray magaalada Nairobi oo uu sii joogi doono inta ka dhiman safarkiisa Kenya.
Kulanka ayuu sheegay Wasiir Maxamed Cabdirisaaq inay looga wada hadlay sidii dib loo soo celin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed, kan darisnimo iyo midka walaalnimo ee Soomaaliya iyo Kenya oo ku dhisan isku socodka dadweynaha, amniga iyo ganacsiga.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa xusay in kulanka aan looga hadlin arrinta badda, waxaana uu intaa ku daray in shirka diiradda lagu saaray in la sii ambo qaado sidii guddiga heerfarsamo ee labada dhinac Kenya iyo Soomaaliya kulan ku yeelan lahaayeen Muqdisho, maadaama labadii kulan ee hore lagu qabtay Kenya.