Ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ayaa la qorsheeyay in talis looga dhigo degmada Buulo-burte ee ka tirsan gobolka Hiiraan, degmadan ayaana kamid ah deegaanada ay go’doomiyeen Al-Shabaab mudo sanado badan ah.
Taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya Genaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Buulo-burte , waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.
Genaraal Odawaa Yuusuf Raage, ayaa wararku sheegayaan in degmada Buulo-burte u tagay sidii uu u daah furi lahaa Taliska qeybta 27 ee ciidanka xooga Soomaaliyeed oo laga dhigay dagmada Buulo-burte .
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Taliyaha milatariga Soomaaliya ayaana daah furka taliska kadib la kulmi doona saraakiisha ciidanka milatariga ee ku sugan degmada Buulo-burte iyo masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle oo degmadaasi ku sugan.
