Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro fadaafiic ah oo fiidnimadii habeen xalay lagu garaacay meelo u dhaw Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee dalka looga Arrimiyo, kuna taalla Warnta-nabadda.
Dhawaqa jug culus oo madaafiic ah ayaa saacadiihii aan kasoo gudubnay laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ee Caasiamada dalka ,waxaana ay ahaayeen madaafiic ku dhacay aggagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaafiicdaan ayaa waxaa goobaha ay ku dhaceen ka mid ah hotel Syl iyo hotel munna iyo beerta banada oo dhammantood kaabiga ku haaya Madaxtooyada, iyadoo halkaas ay ku dhaceen ilaa iyo 6 Madfac.
Lama oga Khasaaraha ka dhashay Madaafiicda xalay kusoo dhacay xaafaddo ku teedsan Xarunta Madaxtooyadda dalka iyo halka laga soo tuuray, iyadoona jugtooda laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dowladda ayaan welin ka hadlin weerarka Madaafiicda ahaa, waxaana xusid mudan in falkaan uu kusoo aaday, iyada oo shalay Qarax Is-miidaamiin ah lala beegsaday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, balse uu ka badbaaday, sidoo kalena uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah.
