WARARKA SOOMAALI

Taliban oo gacanta ku dhigtay inta badan dhulka Afghanistan

Degmooyin badan, jidadka waawayn, iyo xuduudaha muhiimka ah ayaa marba mark aka sii dambeysa ku sii galaya gacanta Taliban.

Saraakiisha Taliban ayaa sheegaya in dagaalyahanadooda ay la wareegeen 85% dhulka Afghanistan balse ma jirto cid ka madaxbanaan oo sheegashadaasi xaqiijin karta.

24-kii saac ee la soo dhaafay, Taalibaan waxay qabsadeen ugu yaraan afar degmo oo cusub iyo marinno muhiim ah oo ay ku jiraan marinka Islam Qala ee marin muhiim ah u ah Iran.

Taliban ayaa sidoo kale la wareegtay magaalada xadka ku taal ee Torghundi, oo ku taallo xadka Turkmenistan. Maroof Wahizi waxa uu degan yahay Herat. Wuxuu walaac ka muujiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda aysan in yar ka qaban badqabkooda.

Waddanka ayaa sidoo kale wuxuu ku jiraa mawjadda seddexaad ee fayraska corona Rick Brennan – oo ah agaasimaha xaaladaha degdega ah ee W-H-O bariga Mediterranean ayaa sheegay in dagaalku uu caqabad ku yahay nidaamka caafimaad oo markii horaba liitay.

Xigasho BBC-Somalia.

SOMALI NEWS

To Top