WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wasiir kashifay in Madaxweyne Deni yahay Musharax Madaxweyne

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Jamaal Maxamed Xasan ayaa shaaciyay in Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia.

Wasiir Jamaal Maxamed oo bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka Qoraal ku soo qoray ayaa waxaa uu sheegay ku sheegay in Madaxweyne Deni uu yahay Musharax Madaxweyne, uuna dib u dhigtay shaacinta Musharaxnimadiisa.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ayaa sababta Madaxweynaha Puntland uu dib ugu dhigtay ku dhawaaqista inuu Musharax yahay ku sheegay inay tahay inuu faragelin ku sameeyo doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka ee ka dhacaya Puntland.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Jamaal Maxamed Xasan ayaa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ugu baaqay inuu faraha kala baxo Arrimaha doorashooyinka, isla markaana uu ka aamuso, isagoona sheegay in Musharaxiinta Baarlamaanka ay walaac ka muujiyeen Deni.

SOMALI NEWS

To Top