WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Arday si arxan darro ah loogu dilay Somaliland iyo Xog la helay

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland ayaa habeenkii xalay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ku dilay Arday dhiganayay Jaamacadda Camuud ee Magaaladaas.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdishakuur Salaad, waxaana dilkii uu ka dambeeyay afaafka hore ee Xarunta Jaamacadda Camuud oo dhiganayay laba sanno.

Dalka loo geystay Ibraahim ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii muran kooban uu soo kala dhexgalay Askariga iyo Ibraahim, kaasi oo la xiriiray in Marxuumka uu dalbaday in uu soo qaato taleefon uu ku soo iloobay Fasalkii uu Imtixaan ku galay.

AUN Ibraahim ayaa jaamacada Camuud ka baranaayay Kulliyada Engineering-ka gaar ahaan Civil engineering, waxaana muran dhexmaray askariga dilka gaystay iyo Ibraahim, iyadoona la beeniyay inuu xirnaa dharka Calanka Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top