WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo mar kale Fagaare ku toogtay Dad badan (Magacyada)

Al-Shabaab ayaa mar kale degaan ka tirsan Koonfurta Soomaaliya ku toogatay rag lagu eedeeyey inay u basaasayeen sirdoonka Mareykanka oo la shaqeynayeen muddo farabadan, ayna gudbin jireen xogtooda.

Fagaare ku yaalla degaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu dilay illaa 8 ruux oo ku eedaysnaa inay hagi jireen diyaaradaha Droneska Mareykanka ee duqeymaha geysta.

“Dadka maanta ladilay waxaa kamid ah laba Nin oo mas’uul ka ahaa inta badan duqeymihii ay diyaaradaha  Mareykanka  sanadadii lasoo dhaafay ka geysanayeen Kuunyo Barroow iyo hareeraheeda” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxday kooxda oo lagu baahiyey baraha internetka qaarkood.

Qaadiga Maxkamadda Al-shabaab ee Sh/hoose oo goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka ragga ladilay ayaa sheegay in dhamaantood ay qirteen dambiyada lagu soo eedeeyay, waxaana ragga la toogtay magacyadoodu kala yihiin:-

1- Calas Cali Cabdulle oo 51 sano jir ah

2- Cabdi Waaxid Cabdullaahi Diiriye Carrabey oo 25 sano jir ah.

3- Cabdiqaadir Maxamed Abow (Bambiiste)

4- Abuu Cabdi Nuur Fanaay (Abuu Weershe) oo 35 sano jir ah.

5- Cumar Cabdiraxmaan Dooyow oo 36 sano jir ah.

6- Xasan Cabdiqaadir Cumar, (Beeriyow) oo 31 sano jir ah.

7-Abuukar Cabdi Cumar Abuukar Basey oo 31 sano jir ah.

8- Jeylaani Mayow Sheekhunaa oo 41 sano jir ah.

Al-Shabaab ayaa 4 maalmood gudahood Koonfurta Soomaaliya ku dilay 24 qof oo ay ku jiraan 8-da maanta la dilay kuwaasoo lagu eedeeyey inay u shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka, waxaana Shabaabka ay jawaab uga dhigayaan toogashii Puntland ku fulisay 21 Nin ka tirsanaa Shabaabka.

SOMALI NEWS

To Top