Shirka u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira oo shalay ka furmay Teendhada Afiysooni ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta galaya maalintii labaad.
Shirkaan oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashada dalka.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare Rooble, Guddoomiye Cumar Finish, Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo qadka ZOOM-ka, maadaama uu ku sugan yahay Turkiga.
Madaxda ayaa shalay inta uu socday Shirka isaga xog-wareystay waxyaabaha u qabsoomay, horumarada la sameeyey iyo haddii ay jireen caqabado mudadii bisha ahayd ee ay kala maqnaayeen, kadib heshiiskii la gaaray.