Al Shabaab ayaa ku toogatey goob fagaare ah lix qof shaley, kuwaasoo kala ah shan rag ah iyo qofka kale oo haweeney ah.
Lixdan qof ayaa lagu eedeeyey iney yihiin basaasiin, waxaa goobtii ay toogashada ka dhaceysay goob joog ahaa shacab tiro badan.
Toogashada ayaa waxey ka dhacdey degmada Saakoow ee gobolka Jubada dhexe, oo kamid ah goobaha ay gacanta ku hayaan al-Shabab.
Alshabaab ayaa sidoo kale shaley ku qaadey weerar magaalada Wisil, halkaasoo ay ka dhacdey dhimasho iyo dhaawac fara badan.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Dhanka kale, xubno katirsan ayuu maamulka Puntland toogtay shaley, kuwaa oo lagu soo oogey danbi ah iney dileen dad badan oo rayid ah.