WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Shirka Madaxda Dowladda iyo M/Goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

Shirka u dhexeeya Madaxda dolwadda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa goordhow ka furmay Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoominaya Shirka oo ay ka qeyb galayaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo qadka ZOOM-ka uga qeyb galaya.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa dardar-gelinta fulinta heshiiskii 27-kii May laga gaaray qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa iyo Arrimaha amniga goobaha ay ka dhacaan doorashooyinka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Warar la helayo ayaa sheegaya in inta uu socdo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ay ka qeyb geli doonaan Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay, kuwaasi oo Magaalada Muqdisho tababar uga socda.

SOMALI NEWS

To Top