Waxaa maanta oo Axad ah lagu toogtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gonbolka Mudug dhinaca xiga Puntland 21 xubnood oo horay ugu tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab, lana soo qabtay.
Xubnahan oo dhammaantood rag ahaa ayaa isugu jiray Saraakiil iyo malleeshiyaad dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray Magaalada Gaalkacyo iyo qeybo ka mid ah Gobolka Mudug.
Waxaa sidoo kale magaalada Garoowe isla saaka lagu toogtay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, halka magaalada Qardhana lagu toogtay hal xubin oo Al-Shabaab ahaa.