Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kaso ambabaxay Magaalada Garoowe ayaa dhowr daqiiqo kahor soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Madaxweyne Den iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynaha Puntland ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada oo saacadaha soo socda furmaya, kaasi oo looga hadli doono dardar-gelinta heshiiskii laga gaaray doorashada dhaceysa.
Inta uu socdo Shirka Madaxda ayaa waxaa kaloo looga arrisan doonaa fulinta heshiiska dorashada ee Caasimadda lagu gaaray 27-kii May, waxaana shirka ka qeyb geli doona Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay.
Madaxweyneyaasha maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa ka maqan oo kaliya Magaalada, waxaana horey u joogay Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed Lafta-gareen iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Maanta soo gaaray Muqdisho.