WARARKA SOOMAALI

Puntland oo gacanta ku dhigtay Markab xeebta ka waday Arrin sharci darro

Ciidamada badda maamulka Puntland ayaa gacanta markab Kalluumeysi oo si sharci daro ah uga kaluumeysanayay biyaha Soomaaliya sidda ay sheegeen Masuuliyiinta ciidanka maamulka Puntland.

Ciidanka Puntland ayaa sheegay in Markabkaan ay kasoo qabteen xeebta degmada Qandala ee Puntland ka dib markii ay ka war heleen in uu halkaasi ka waday Jariif.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidanka Badda Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in markabkaasi uusan wadan wax sharci ah, islamarkaana ay ku wareejiyeen hay’addaha Caddaaladda maamulka Puntland.

Ciidanka ayaa Markabkaan keenay dekedda degmada Boosaaso, waxaana haatan ay baaritaano kala duwan ku socdaan qaar kamid ah shaqaalihii la socday Markabka oo gacanta lagu soo dhigay.

SOMALI NEWS

To Top