Haweeneydii uu libaaxa bil kahor ku dhaawacay Magaalada Hargeysa ayaa sheegtay in xaaladeeda Caafimaad ay tahay mid wanaagsan, isla markaana laga daaweyay dhaawicii uu u geystay Libaaxa.
Haweeneyda oo lagu magacaabo Caasho Rashiid Cali oo kunool Magaalada Hargeysa ee Somaliland oo la hadashay warbaahinta ayaa u sheegtay in Libaaxa uu si lama filaan ku waxyeeleyay iyada oo joogtay afaafka hore ee Gurigeeda.
Sidoo kale waxaa ay tilmaamtay Caasho Rashiid in xiligii uu Libaaxa qaniinayay ay u qeylo dhaamisay dad deris la’aan, isla markaana ay weysay Gurmad looga celiyo Libaaxii kasoo baxday goobtii lagu haayay.
Libaaxa dhaawac marki hore u geystay Caasho Rashiid Cali oo kunool Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa waxaa lahaa siyaasiga lagu magacaabo Cali Waran Cadde, waxaana markii dambe Libaaxa toogasho ku dilay Ciidanka Booliska Maamulka.