WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweyne Lafta-gareen oo gaaray Degmo ay horey u Go’doomiyeen Al-shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Maamulkaas.


Ujeedka Madaxweyne Lafta-gareen ee Waajid ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli doonaa Munaasabad lagu caleem-saarayo Guddoomiyaha cusub iyo Golaha deegaanka ee degmadaas oo dhawaan la dhisay.


Madaxweyne Lafta-gareen iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoona diyaaradaha degmada kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha, Maamulka Gobolka Bakool, kan degmada, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan.


Inta uu degmada ku sugan yahay Madaxweynaha ayaa waxa kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Golaha deegaanka cusub, Odayaasha dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isagoona Arrimo kala duwan kala hadli doona.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa horey go’doon u geliyay dagaalamayaasha Al-shabaab, wallow markii dambe dagaalo halkaas ka dhacay ay ku qabsadeen Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

SOMALI NEWS

To Top