Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ayaa walaac ka muujinaua faragelinta qaawan ee Madaxweynaha dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku hayo dib u habeynta iyo magacaabista guud ahaan guddiyada doorashooyinka, gaar ahaan kuwa u xilsaaran doorashada kuraasta Somaliland.
War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta ayaa lagu sheegay inay u caddaatay in Madaxweyne Farmaajo uu si toos ah u soo farageliyay howshii Guddiga Xukuumadda u xilsaartay kala saarida xubnaha Guddiyada doorashooyinka ee cabashada laga keenay.
Golaha ayaa Farmaajo ku eedeeyay in Guddiga Wasiirada uu ku amray inay dib u soo celiyaan xubno shaqaale dowladeed oo horey looga saaray Liiska Guddiga doorashada Somaliland, iyagoona xusay inuu kamid yahay Khadar Xariir Xuseen.
Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ayaa sheegay in Madaxweynaha uu dadaal weyn ugu jiro inuu gacantiisa kusoo qorto 5-tii xubnood oo aheyd in Xukuumadda xilgaarssinta kusoo darto Guddiyada doorashada iyo Guddiyada xalinta khilaafaadka.