Waxaa habeenkii xalay aheyd siyaabo kala duwan dilal qorsheysan loogu geystay xaafaddo ka tirsan dgmooyinka Hodan iyo Deyniile ee Gobolka Banaadir Wiilal dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaaanka.
Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta gudaha ayaa u sheegay in Wiilka koowaad lagu dilay xaafadda Siigaale ee degmada Hodan, waxaana Wiilka toogtay Askari ku hubeysnaa Bastoolad, xili uu halkaas ku sugnaa.
Dad yaqaanay ayaa magaca wiilka la dilay ku sheegay Nuuradiin, waxaana goobta uu falka ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday Askari ka dambeeyay oo lagu tilmaamay inuu ahaa Nin ka tirsan qeybta Ciidanka ee dharcadka.
Sidoo kale Rag la sheegay inay ahaayeen Burcad ayaa Xaafada Haanta-dheer ee degmada deyniile waxaa ay ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa oo lagu Magacaabi jiray Jabriil Cabdi Aadan, iyaga oo goobta ka baxsaday.
Wararka la helay ayaa sheegaya in kooxaha Burcadda ah ay Wiilka Dhalinyarada ah ka dhaceen Taleefoon uu watay, balse uu jiray kahor dilka muran dhex-maray, waxaana meydkiisa la geeyay Xarunta Hay’adda dambi-baarista CID-da ee Magalada Muqdisho.