WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo War quus ah ka shaaciyay dhalinyaradii loo qaaday Eretariya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaalada dhalinyaro Soomaaliyeed oo labo sano ka hor ay dowladda Federaalka tababar ugu qaaday dalka Eretariya.

Xasan Sheekh ayaa waxaa uu sheegay in wax la aqbali karo aysan aheyn in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay dowladda u dirtay tababar aan warkooda la heynin, isagoona ku tilmaamay in carruurta la la’yahay la iibsaday.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee dalka Xasan ayaa ayaa arrintan ku tilmaamay wax laga xumaado, isla markaana waxaa uu dowladda Federaaalka ugu baaqay in caddeyso xaalada ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas.

“Lama aqbali karo in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay dowladdu dirtay aan warkooda la heynin. Mas’uuliyiintii howshaas ka dambeeyay waa in ay waalidiinta iyo ummadda Soomaaliyeed u caddeeyaan masiirka carruurta Soomaaliyeed aniga waxa kaliya ee aan ku tilmaami karaa in la iibsaday dhalinyaradaas fasiraad kale uma hayo” ayuu yiri Xassan Shiikh.

Si kastaba Walidiin isugu jira Hooyooyin iyo Aabayaal ayaa dhowr jeer warbaahinta kasoo muuqday, iyagoona Madaxda dowladda Federaalka ka dalbanaya inay meel ku sheegaan Carruurtood oo tabababr laba sanno kahor loogu qaaday dalka Eretariya, si loo Askareeyo.

SOMALI NEWS

To Top