WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda oo ka hadashay Howgalada ka socda Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay weli howlgallo kala duwan ka wadaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo dagaalo culus ay kula galeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in howlaglalda ay yihiin kuwo degaano badan lagula wareegay, isla markaana qasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Wasiirka oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in howlgallada ay Ciidamada ka fulin doonaan degaano kale oo ka tirsan dalka, waxaana uu ugu baaqay Taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo Saraakiisha kale inay krdhiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Labadii Todobaad ee la soo dhaafay ayaa Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab waxaa dagaalo xoogan ay ku dhe-marayeen degaano hoostaga Magaalada Jowhar & degmada Raaga-Ceelle & Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana la sheegay in ciidamada ay la wareegeen degaano dhowr ah.

SOMALI NEWS

To Top