Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn turxaanbixinta ay dowladdu sheegtay inay ku sameysay guddiga doorashooyinka, oo tabasho laga qabay qaar ka mid ah xubnaha doorashooyinka.
Shir jaraa’id oo uu goor dhow ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in hab aan caddaalad ahayn loo maray turxaanbixinta guddiga.
“Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay,” ayuu yiri.
HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA
Wuxuu sheegay in Midowga Musharraxiinta aanan laga talogelin markii la sameynayay turxaanbixinta.Wuxuu ugu baaqay Ra’iisul Waasaare Maxamed Xuseen Rooble, in wax laga qabto cabashada ay qabaan.