Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay amar cusub oo ku socda Ganacsatada deegaanada maamulkaas ku iibisa Qaadka, kadib Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Galmudug.
Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Maamulka Mukhtaar Cali Cismaan oo Qoraalka soo sooray ayaa waxaa uu Ganacsatada qaadka uga soo dega Garoomada diyaaradaha ku amray inay iska diiwaan-geliyaan Wasaradda Maaliyadda.
Sababta ayuu ku sheegay in muhiim ay tahay in Canshuur laga qaado qaadka soo gala deegaanada Maamulka Galmudug, isla markaana xusay in ciddii fulin weyda amarka lasoo saaray laga qaadi doono tallaabo adeg.
Sidoo kale Qoraalka Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa lagu mamnuucay qaadka dhulka ku yimaada deegaanada Galmudug ee lagu keena gaadiidka, iyadoona Ganacsatada loo sheegay inay u hoggaansamadan amrka.
Galmudug ayaa tilmaamtay in qaadka aan laga soo dejin Garoomada diyaaradaha loo aqoonsan doono inuu yahay kontarabaan, isla markaana meeshii lagu qabtay ama lagu arka uu si toos ah ula wareegi doono maamulka Galmudug.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Wasiir ku-xigeenka.