Madaxweynaha dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa soo magacaabay xubnaha Maamulkiisa ku metelaya guddiga doorashooyinka, kadib markii heshiis laga gaaray doorashada
Xubnahan ayaa ka kooban 8 xubnood, waxaana caawa shaaciyey xafiiska Ra’iisal wasaraha xukuumadda xilgaarsiinta, inkastoo qoraalku aanu taariikheysneyn, waxaana 8-da xubnood laba ka mida ay yihiin haween.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa weli la shaacin xubnaha Puntland uga mid noqonaya Guddiyada Doorashada Heer Federaalka iyo Guddiga Xalinta khilaafaadka oo min 2 xubnood ah.
Qoraal soo baxay Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu Xafiiskiisa u soo gudbiyay Liiska xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Puntland.
Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista Madaxweyne Deni.