Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta kulan gaar ah ku qaabilay madaxweynihii hore ee dalka Sierra Leone Mr. Ernest Bai Koroma oo ka mid ahaa wufuuddii caalamiga ahaa ee goobjoogayaasha ka ahaa doorashooyinkii wakiillada iyo deegaanka.
Ugu horrayn, Madaxweynaha Somaliland ayaa madaxweynaha xog-warran buuxa ka siiyey marxaladihii kala duwanaa ee lasoo maray iyo taariikhihii Somaliland oo noqday kuwo indhaha caalamka soo jiitay.
Madaxweyne Biixi ayaa ku bogaadiyey madaxweynaha hore ee Sierra Leone imaansha uu ku yimid Somaliland, nabadgelyada, Dimuquraaddiyadda, wada-noolaanshaha, wada-jirka shacabka iyo xukuumadda oo ah midda ay Somaliland.
Madaxweyne Ernest Koroma waxaa uu xusay in uu indhihiisa ku soo arkay bulsho bisil oo waayo arag u ah arrimaha doorashooyinka oo safaf dhaadheer ugu jira sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen iyagoo kala aragti duwan oo kala xisbiyo ah.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Sidoo kale Sierra Leone ayaa waxaa Madaxweyne Muuse Biixi gaarsiiyay warbixinta ay soo saareen goobjoogayaasha doorashooyinka isku sidkan ee wakiilada iyo deegaanka ee ka qabsoomay Isniintii ina dhaaftay.