WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dhacdo Naxdin iyo Argagax leh oo ka dhacday xaafad ka tirsan Muqdisho

Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa dhacdo naxdin leh oo ku saabsan gabar yar oo qoyskeeda ay raadinayeen dhowr maalmood, balse meydkeeda la helay.

Gabadhan yar oo magacaabo Nafisa Cumar C/llaahi oo la baafinayey muddo 2 maalmood ah, markii la waayey Axadii 30-ka May 2021, ayaa maanta waxaa la yaab noqotay in laga dhex helay Digsi weyn oo Gurigooda yaallay, kaasoo lagu riday, laguna daboolay, waxayna arrintan fajaciso ku noqotay qoyska iyo dadka deriska la ahaa.

Xogta laga helay laamaha amniga ayaa sheegaya in gabadha oo 10 ilaa 12 sano jir ahayd meydkeeda uu ka muuqday jirdil iyo in laga xiray gacmaha iyo lugaha, waxaana ehelka gabadha yar ay sheegeen in habeen hore iyo xalay ay raadinayeen, markii danbena la dareemay ur, iyadoo arkii la raadiyey laga dhex helay Digsi weyn oo mid kale la dulsaaray, kadibna la sii saaray Joodari.Ad

Guriga ay ku nooleyd ayaa la sheegay inuu ahaa guri ay dad badan la deganayeen, isla markaana dhammaan dadkii deganaa lagu xiray xabsiga saldhiga Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Falkan ayaa ka dhacay waaxda Kaawo Godey ee degmada Dharkenlay. Ilaa 7 qof oo ka mida Qoyskeeda iyo dadkii guriga ku sugnaa ayaa loo xiray kiiskan, waxaana socda baaritaan lagu bilaabay sida arrintan naxdinta leh ku dhacday.

SOMALI NEWS

To Top