Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa Afhayeenka Wasaaradda Amniga u magacaabay Cabdi Kaamil Macalin Shukri.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Xasan Xundubey Jimcaale ayaa lagu sheegay Afhayeenka cusub ee Wasaaradda Amniga oo noqonaya Kaamil Macalin Shukri, xili uu horey xilkaas u soo qabtay.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Farxaan Cali Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Cabdi Kaamil uu horey u ahaa Afhayeenka Wasaaradda, haatanna markale loo magacaabay.